Monday, March 10, 2025
HomeAll NewsDowladda Federaalka oo Walaac Ka Muujisay Xaaladda Amni ee Dalka. .

Dowladda Federaalka oo Walaac Ka Muujisay Xaaladda Amni ee Dalka. [Dhagayso].

Walaaca ay dareemeyso Dowladda Federaalka ayaa sii xoogeysanaya, wixii ka dambeeyay howlgallada ballaaran ee ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka wadaan qeybo kamid ah gobolka SHabeellaha Dhexe, oo deris ah gobolka Banaadir.

Waxaa shalay kulan degdeg ah isugu yimid golaha wasiirada xukuumadda Dowladda Federaalka, waxayna kaga hadleen xaaladda wadanka.

Daauud Aweys oo ah wasiirka Warfaafinta Dowladda Federaalka, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay, wuxuu kaga hadlay waxyaabaha kasoo baxay shirka golaha wasiirada.

Wuxuu sheegay iney mamnuuc tahay in baraha bulashada iyo warbaahinta laga sii daayo warar qalqal gelin kara Dowladda Federaalka.

Sidoo kale wuxuu sheegay, inaan wax hub ah lala geli karin xeyndaabka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, halkaas oo dhawaan Maraykanku sheegayo suurtogalnimada weeraro ka dhaca.

Halkan kala deg Faafaahinta.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.