Sunday, March 16, 2025
HomeAll NewsCudurka Duumada oo Dad Badan ku Laayay Dalka Itoobiya.

Cudurka Duumada oo Dad Badan ku Laayay Dalka Itoobiya.[DHAGEYSO]

Waxaa sii kordhaya dadka u dhimanaya cudurka Duumada ama Malaariyada gudaha dalka Itoobiya, xlilli adeega caafimaad ee dalkaas uu qarka u saaranyahay inuu burburo, sababo la xiriira colaadaha sanadaha ka socda dalkaas, oo u dhexeeya dowladda Itoobiya iyo qowmiyaadka diidan maamullka Abiy Axmed.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa daabacday warbixin ay kaga warameyso xaaladda dalka Itoobiya gaar ahaan dhinaca caafimaadka, waxaana ay wareystay qaar kamid ah dadweynaha Itoobiya, oo sheegay in mudooyinkii lasoo dhaafay ay dad badani uga dhinteen cudurka Malariyada.

Sida ay sheegayaan khubarada ka faallooda dalka Itoobiya, meelaha ugu badan ee uu kajiro cudurka Malariyada waa gobolka Oromada oo ah gobolka ugu dadka badan Itoobiya, waxaana gobolkaasi tan iyo sanadkii 2018-ka ka socda dagaallo adag oo u dhexeeya, dowladda Itoobiya iyo kooxda OLA, dagaalladan ayaana saameeyay adeegyada dadweynaha gaar ahaan midka caafimaadka.

Lema Tefera oo la hadlay wakaaladda AFP ayaa sheegay, in muda bil gudaheed ah ay cudurka Malariyada awgeed ugu dhinteen deegaankooda, ugu yaraan afar caruur ah, taasina ay ugu wacantahay iyadoo deegaanka aanu ka jirin adeegyo caafimaad.

” Waa xaaladdii iigu adkeyd ee aan arko” ayuu yiri nin ku sugan deegaan lagu magacaabo Lalistu Lophi oo katirsan gobolka Oromada, kaasoo caruurtiisu u dhinteen xanuunka Malaariyada.

Hay’adda WHO ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha caafimaadka ayaa horey u sheegtay, in 95% dadka uu soo rito cudurka duumada ay ku suganyihiin qaaradda Afrika, Itoobiya ayaana kaalmaha hore uga jira dalalka Afrika ee faraha ba’an uu ku hayo xanuunka Malleeriyada.

Halkaan ka Degso Warka Itoobiya

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.