Hay’ad taabacsan Qaramada Midoobay ayaa sheegtay iney 4 doomood oo tahriibayaal saarnaayeen ku qallibmeen badaha mara Yaman iyo Jabuuti.
Labo ruux ayaa dhintay 186 kalena waa la la’yahay kadib markii 2 doon oo ay siday kula qallibmeen meel udhow wadanka Yaman, Afhayeenka hay’adda socdaalka ee Qaramada Midoobay Tamim Eleian ayaana sidan usheegay warbaahinta Associated Press.
Wuxuu intaasi ku daray labada doomood oo kale oo iyaguna qallibmay ay soo badbaadeen dadkii saarnaa.