Masar ayaa kusoo biirtay liiska diyaaradaha joojiyay duulimaadiyadii ay ku imaanjireen magaalada Muqdisho.
Egypt Air oo ah diyaarad laga leeyahy wadanka Masar ayaa shalay hakisay, duulimaadkeedii Muqdisho iyadoo joojinta safarkeeda ku wargelisay rakaabkii ay soo qaadi lahayd.
Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli diyaaradaha qatar airways Turkish Airlines horay ujoojiyeen, duulimaadiyadii ay ku imaanjireen Soomaaliya sababo la xiriira digniin kasoo baxday safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, oo ku addaneyd in weeraro ay fuliso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka dhicikaraan goobo kamid ah caasimadda Muqdisho.