Xasan Sheekh oo ah Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka ayaa markii ugu horreysay tan iyo billawgii dagaallada ka socda gobalka Sh-dhexe, waxa uu isagoo murugi ka muuqato kasoo dhex hadlay mowlaca ay ku leeyihiin xarunta Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.
Xasan ayaa ugu horreyn qiray in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay dib uriixeen ciidankiisa islamarkaana dhul laga qabsaday.
Waxa uu taasi ku micneeyay dabeecadaha uu dagaalku leeyahay iyo wax iska caadi ah, isagoona xilliga uu khudbadda jeedinayay sheegay in ciidanka qeyb kamid ah ay xabad ku socoto, iyadoo shalay lasoo afjaray askartii ku sugneyd deegaanka Boos-hareeri ee Sh-dhexe.
Xasan oo sidoo kale ka hadlay digniinaha amni ee ka taagan Muqdisho ayaa ku sifeeyay iney tahay borobogaando, isagoo tilmaamay iney taasi ay cabsi galisay qaar kamid ah xubnaha Dowladda Fedaraalka.
Dad badan ayaa wax lagu qoslo iyo riyo maalmeed ku sifeeyay hadalka shalay kasoo yeeray madaxweynaha Dowladda Fedaraalka Xasan Sheekh, iyagoo sheegay in uu iska indho tirayo xaaladaha uu dalku ku jiro, islamarkaana doonayo in marin habaabin iyo wax aan jirin uu kusii hayo dadka u shaqeeya Dowladda Fedaraalka.
Mudada uu hadlayay Xasan Sheekh oo aheyd 15 daqiiqo iyo ilbiriqsiyo ayaanan ku jirin hadalladii goodiska ahaa ee uu u jeedin jiray Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, isagoo taa badalkeeda adeegsanayay hadallo muujijaya quus iyo niyad jab, waxaana uu ku baaqay in wadahadal lala furo Mujaahidiinta oo uu horay ugu goodin jiray iney dalka ka tirtirayan.
Asc Walaalayaal xagee kawadaaa muuqaalada mujaahidiinta