Galabnimadii shalay maamulka Sahaayinada ayaa duqeymo badan ka geystay magaalooyin dhaca Koonfurta wadana Lubnaan, waxayna dhanka kale halkaasi ku dhaawacmeen dad shacab ah.
Duqeymahan oo wararka qaar sheegayaan iney kor udhaafayeen 20 gentaal, ayaa ka dhacay magaalooyin dhowr ah oo ay kamid yihiin Jabal Ar-Reyxaan, Sabqiin, Yaadhir, Tabna, iyo mandiqadda Mureysic, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Lubnaan.
Dhanka Yahuudda ciidankoodu wuxuu sheegay inuu beegsaday saldhiyo ay leeyihiin ururka Shiiciga ah ee isku magacaabay Xisbullaah oo ku yaalla Koonfurta Lubnaan sida ay hadalkooda udhigeen.
Dhanka kale isla maalintii shalay oo jimco ahayd waxay ciidanka Yahuudda magaalo katirsan gobolka An-Nabadhiyah ee Koonfurta wadankaasi ku dhaawaceen 3 ruux, kadib markii ay rasaas ku dhufteen.
Yahuudda ayaan wali joojin xad gudubyada ay ka geysaneyso dalka Lubnaan oo ay horay dagaal ugu qaadday burbur baaxadlehna ka geysteen.