Qaar kamid ah dadka shacabka ah ee kunool magaalada Muqdisho, ayna horey Dowladda Federaalka uga barakicisay dhulkii ay degnaayeen, shakhsiyaadna ka iibsatay, ayaa beeniyay war dhawaan kasoo baxay wasiiru dowlaha wasaaradda Warfaafinta Dowladda Federaalka Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo ahaa in dadka guryahooda laga barakiciyay ay Dowladdu u sameysay dib u dejin.
Dadkan oo shir jara’aid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa war waxba kama jiraan iyo masa bidasho ah ku tilmaamay, hadalka wasiir Al-Cadaala, waxayna sheegeen in dhulkii iyaga xooga looga barakiciyay, laga iibsaday shakhsiyaad katirsan Dowladda Federaalka.
Halkaan ka Degso Warka Barakicinta