Taliyaha Boliska Gobalka Banaadir iyo masuuliyiin kale ayaa lagu eedeeyay iney dhulboob ka wadaan qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.
Dadkaan oo ku dhaqan degmada C/Casiis ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen, iney cabasho ka yihiin taliyaha Boliska Dowladda Fedaraalka ee Gobalka Banaadir ninka lagu magacaabo Mahdi iyo taliyaha saldhigga degmada C/Casiis ee magaalada Muqdisho.
Waxa ay sheegeen in raggaan ay boob ku hayaan dhulkooda oo ku yaalla degmadaas islamarkaana ay awood u adeegsadeen oo ay weerar kusoo qaadeen.