Monday, March 10, 2025
HomeAll NewsMarco Rubio iyo saaxiibkiis Mullah Culusow Qiso Ku Bareysa Qolo Mabda’ooda Ilaashanaya...

Marco Rubio iyo saaxiibkiis Mullah Culusow Qiso Ku Bareysa Qolo Mabda’ooda Ilaashanaya iyo Qolo Diintooda Loo Adeegsanayo oo Soomaaliya Ku Nool.

Marco Rubio oo ah la taliyaha arrimaha dibadda ee madaxweynaha Maraykanka ayaa dhawaan kasoo muuqday shaashadda TVga Fox News asaga oo waraysi siinayay wariyaha Islaam nacaybka ku caanbaxay ee Sean Hannity. Wasiirkan oo waraysigiisu intiisa badan ku saabsanaa dagaalka Yukrayn iyo ismariwaaga gaalada reer Galbeedka, ayaa qaybta dambe ee waraysigan wax laga weydiiyay hanjabaadaha ku wajahan muqaawamada iyo shacabka reer Qaza ee uu madaxweyne Trump baraha bulshada soo dhigayay maalmihii u dambeeyay. Ninkani waxa uu xoojiyay kuna tilmaamay hadallo iyo go’aanno waqtigoodii kusoo beegmay hanjabaadda uu Trump maamulka yuhuudda ugu hiillinayo. Inta uu waraysigu socday, waxaa wasiirkan wajiga ugu xardhanaa caalamadda saliibka oo ah astaanta rasmiga ah ee nasaarada iyo gaar ahaan duullaannadii saliibiga ahaa ee taariikhdu diiwan galisay.

Qaybta hore ee waraysiga waxa uu ninkani kusoo celcelinayay sida ay lagama maarmaanka u tahay in la joojiyo dagaalka u dhexeeya Yukrayn iyo Ruushka nolosha dadkana la badbaadiyo; halka qaybta dambe ee waraysiga uu ku hanjabayay in haddii aan la dhegaysan dalabaadka Trump ay Qaza baabi’in doonaan arrintaasina ay dhab ka tahay. Calaamadda uu ninkani wajiga kusoo qortay ayaa sidaa darted xambaarsanayd labo farriimood oo kala duwan: 1 – in uusan sax ahayn dagaalka ay labo waddan oo Kiristan ahi isugu dhamaanayso dad reer Yurub ahina ku le’anayaan waajibna ay tahay in la joojiyo dagaalkaas, iyo 2 – in ay tahay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah Muslimiinta gaar ahaan reer Qaza. Waa baaq ah midaynta sufuufta nasaarada caalamka iyo ujeedsashada dagaal Muslimiinta ka dhanka ah.

Si kastaba, Marco Rubio iyo xukuumadda uu Trump hoggaamiyaa maaha shakhsiyaadkii iyo madaxdii ugu horraysay ee muujisatay warbaahintana uga dhawaaqday dagaal diineed oo mucatabku astaan u yahay ayna hormuud ka tahay dawladda Maraykanku. Waa arrin uu bilaabay Goerge W. Bush oo ah aabbaha dagaalka ka dhanka ah muslimiinta ee uu 20kii sano ee lasoo dhaafay Maraykanku ka waday dhulalka Muslimiinta. Sida ay 13kii July 2004 qortay xarunta ‘The Christian Century’ Bush waxa uu siyaasadda Maraykanka kusoo galay shaqo uu aabbihii u igmaday oo ahayd xiriiriyaha xukuumadda iyo ‘Ururro Diineedka Midigta Fog’. Waxa ay sidoo kale xuruntani ku warramaysaa in Goerge W. Bush uu taageero lixaad leh ka helay kaniisadaha Protestanka oo in ka badan 84% tirada dadka ku xirani ay u codeeeyaan ninkan markii uu u tartamayay xilka Guddoomiyaha gobalka Texas.

Markii uu qabtay xilka madaxtinnimada Maraykanka, waxa uu maamulkiisu ku suntanaa Kiristannimo xagjir ah waxa uuna ka dib weerarradii 11kii September iclaamiyay “Dagaalka Argagixiso la Dirirka”. Sida uu 2004tii tilmaamayay Kevin Philipps oo xiganaya qoraalka ‘The Christian Century’, “Intimaaga diineed ee Madaxweyne Bush ayaa saamayn ku leh siyaasadda xukuumaddiisa iyo dagaalka argagixiso la dirirkaba. Waxayna u egtahay inuu Bush isu haysto inuu yahay Saliibi waajib diineed gudanaya.” Maqaal uu baahiyay wargeyska New York Times (24 September 2006) ayaa isaguna soo gudbinayay hadal uu Madaxweyne Bush ku yiri Raysal Wasaarihii Falastiiniyiinta Abu Mazin intii lagu gudo jiray shir ku saabsanaa qorshe yuhuudda lagu taageerayay. “Ilaahay ayaa ii waxyooday in aan Alqaacidda weerar ku qaado waanan sameeyay, mar kale ayuuna I faray inaan Sadaam Xusseen duullaan ku qaado iyadana waan fuliyay, haddana waxaan diyaar u ahay inaan usoo jeesto arrinta Bariga Dhexe oo dhan.” Markale, sida uu wargeyska The New Yorker kasoo xigtay shakhsi ka mid ah qoyska reer Bush “aragtida Bush ee dagaalka argagixiso la dirirku maaha aragti siyaasi ah, waxa uu u arkaa in ay Muslimiintu Kiristanka dagaal kula jiraan sidaa darteedna ay waajib tahay in dharbaaxo aan waligood ku dhicin Muslimiinta lagu dhufto.”

Tan iyo wixii ka dambeeyay bilowgii dagaalka argagixiso la dirirka, dawladda Maraykanka iyo madaxdeedu waxay xilliyo kala duwan muujisanayeen xaqiiqada ah in ay ku jiraan dagaal diineed iyaga oo garowsan in ay siyaasad ahaan waajib tahay in dagaalkan la huwiyo magacyo, halkudhegyo iyo eray bixin diblomaasiyadeed si looga gaashaanto falcelinta ka iman karta shucuubta Muslimka ah ee Caalamul-Islaami. Waa siyaasad iyo istaraatiijiyad dagaal oo xulanaysa hadba hadalka iyo nooca khidaab ee ku habboon fogaynta daneheeda ee fududaynaya gaarista yoolalkeeda. Waa siyaasad marka si buuxda loo akhriyo ay ku cadyihiin Islaam nacayb iyo hurinta dagaal Saliibi ah, marka kor laga eegana huwan diblomaasiyad iyo erayo marinhaabin ah sida ‘‘argagixiso la dirir’’, ‘‘dawlad dhis’’, ‘‘nabad sugid’’, ‘‘rajo soo celi’’ IWM. Bilowga dagaalkan, waxa uu Bush jeediyay kalimad caan noqotay oo uu xukaamtii iyo shucuubtii dhulalka Muslimiinta ku kala dooradsiiyay la safashada Maraykanka iyo la safashada Alqaacidda. Waxa ayna taariikhda 20ka sano ahi warinaysaa sida ay guud ahaan xukaamtii dhulalkani u doorteen safka Bush ayna u ballanqaadeen naf iyo maal inay ku garab taaganyihiin dagaalka Bush ee Muslimiinta ka dhanka ah.

Dagaalkan iyo mashruuca qabsashada dhulalka Muslimiintu, ka dib marka ay ciidamadii nasaaradu cagaha soo dhigen dhulalka Muslimiinta, waxa uu u baahday kuna istaagay labo tiir oo kala ah ciidamo mooryaan calooshood u shaqaysteyaal ah oo darbi, waardiye iyo indhaha ay wax ku arkaanba u noqday askarta shisheeyaha iyo wadaaddo sida ay mooryaantu kabo buud ah iyo dirays ciidan ugu labbisantahay qamiisyo cadcad iyo koofiyado ugu labbisan. Askarta ay shisheeyuhu qorteen kuna adeegtaani waa dhallinyaro ka kooban mooryaantii dagaallada qabiilka, askartii dagaal oogeyaasha, darbi jiifyadii bulshadu dayacday ee magaalooyinka waawayn iyo ardada iskuulladii uu shisheeyuhu waddamadan ka hirgaliyay xilliyada hore. Waa loo qaateen iyo arrin aan la qariibsan Karin in dad iyo dhallinyaro khalfiyada noocan lihi ay askar iyo xaabo u noqdaan dagaalka saliibiga ah ee Maraykan iyo gaalada madow. Waxaa sidoo kale muddo kooban gudaheed saaxada dhulalkii lagu dagaalamay kasoo baxday tabardarrada iyo waxtar xumada askartan iyo sida uusan adeegsigoodu wax isbeddel la taaban karo ah uga keenayn dagaalka, wax saamayn ah ugu yeelan Karin mustaqbalka la doonayo.

Sababta kowaad ee fashilka iyo waxtar xumada kooxdani waxa ay la xiriirtay labo arrimood: qiimayn lagu sameeyay waxa ka dib sanooyin dagaal iyo qarbudaad ah iska beddelay aragtida shucuubtii lagu duulay, taageerada uu duullaanku ka helayay iyo taageerada ay kooxihii dagaalka tooska lagula jiray ka helayeen. Arrinta labaad ayaa ahayd su’aal la iska weydiiyay sababta kooxaha dagaalka kala horyimid mashruucani ay u dhiman waayeen una sii bullaalayeen sannadba sannadka ka dambaysa ayaga oo sharciyad, taageero iyo ciidan cusubba helayay. Waxaa qiimayntan oo qoraallo, diraasaad iyo buugaag tirobeel ah lagusoo gudbiyay kasoo baxday jawaab ahayd in sirta awoodda kooxahani ay tahay aragtida diineed iyo afkaarta cadcad ee ay ku wajaheen duullaankii saliibiga ahaa ee uu Bush iclaamiyay iyo in ay ku guuleysteen in ay mujtamacaadkooda ku qanciyaan xaqiiqada dagaalka iyo waxa dhab ahaan la isku haysto. Waxaa hormuudkii mashruucan usoo baxday in khidaabka diineed ee Alqaacidda awgiis ay boqollaalkii kun ee ciidamada shisheeye iyo calooshood u shaqayteyaasha ka koobnaa fadhiid noqdeen laguna guuldarraystay mashruuc darafeedkii “kasbashada quluubta iyo maanka shucuubta”.

Waa halkan Meesha lagu go’aamiyay in furinta dhabta ah ee uu dagaalkani ka dhaqaaqi la’yahay xisaabtana laga beddeli karaa ay tahay ‘furinta aragtida’ sidaa darteedna loo baahanyahay hawlgalinta ciidan nooc cusub ah. Waa Ciidanka Khaaska ah ee Qamiisyada Ku Booda (CKHQKB). Marka la eego taariikhda gumeysi ee reer Galbeedka, taariikhda dheer ee ay faraha kula jireen mujtamacaadka Muslimka ah, iyo dagaaladii ay xilliyada kala duwan dhulalkan ka galeen, waxa uu go’aankani ka dhignaa maxsuulka tijaabo 195 sano socotay kana soo bilaabatay qabsashadii Hindiya ee Ingiriiska iyo tii Faransiiska ee Aljeeriya. Intii uu socday dagaalkii Aljeeriya oo tijaabadan qayb ka ahaa, waxa ay taariikhdu ka warisay mid ka mid ah saraakiishii Faransiiska hadal ahaa: “hal khudbo oo uu wadaad nagu taageero ayaa nooga waxtar badan rasaasta kumannaan askari oo garbo siman u dagaalamaysa.”

Bush oo ugu sarreeyay saraakiishii ugu dambaysay ee tijaabadan ayaa bilowga dagaalkii Afqaanistaan isagana laga soo wariyay kalimad macneheedu ahaa: “haddii uu Mullah Cumar leked nagu noqdo, Mullah Bradley ayaan minbarka soo saari doonnaa”, oo uu kala jeeday in haddii ay culumada Islaamku jihaad ku iclaamiyaan uu culumo Maraykan ah samaysan doono. Waa halkan Meesha laga anbaqaaday mashruuca dhisidda ‘Masaajidda Maraykanka’ sida Masjidka Madaxtooyada ee ay Xasan Sheekh, Cali Wajiis iyo Bashiir Axmed Salaad khudbadiisa ku tookaystaan. Si la mid ah ‘Masjidka Wasaaradda Arrimaha Dibadda’ ee uu dhawaan wasiir Fiqi ‘Tafsiir’ka ka bilaabay. Waa ‘masaajid’ lagu oogo janaasada saliibiyiinta, looga duceeyo hawlgallada shareeco la dirirka, lagana soo saaro fatwooyin uu saxiixa Africom ku yaallo. Waa manaabirtii Mullah Bradley oo magaciisii la Afsoomaaliyeeyay lagana dhigay ‘Mullah Culusow’.

Ugu dambayntii, Si ka duwan doorka liita ee ciidamada mooryaanta calooshood u shaqaysteyaasha ah, kaalinta culumada Maraykanku waxay suurta galisay labo arrimood oo sii kala foolxun. Mar, waxaa qamiisyada, koofiyadaha iyo gararka saraakiishan ciidan ku sirmay malaayiin shacab caamo ah oo aan kala sooci Karin cilmiga rabbaaniga ah iyo kalmadaha lasoo diyaariyay ee khudbadaha gaalnimo lagu furfurto, waxaana sidaa ku burburay wacyigii mujtamaca iyo aragtidii laga haystay duullaannada shisheeye. Marka labaad, duullaankii saliibiga ayaa helay taageero ka badan intii uu filan karay iyo shacab qaab diineed u cabsan afkaartiisii Nasraaniyadda oo bilaash uga hoos dagaalamaya mucatabka Maraykanka. Waxaan sidaa darteed noqonay shacab ay duullaan kusoo qaadeen nasaaro mucatabkoodii wajiga ku sita, laakiin halkii ay calankii Islaamka isku difaaci lahaayeen ka doorbiday inay askar u noqdaan duullaanka nasaareed

(فإنّا لله وإنّا إليه راجعون).

WQ: Maxamuud Ugaas

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.