Weeraradan oo ahaa kuwo culus islamarkaana khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay ciidanka Bakistaan ee ku sugan Waqooyi Galbeed dalkaasi, ayaa waxaa mas’uuliyadooda sheegatay Xarakada Dhaalibaan Bakistaan ee ka jihaada wadankaasi.
Weerarka koobaad ayey shalay galabkii ku qaadeen xarun ay ciidanka Amniga xukuumadda Islaama-Baad ku leeyihiin magaalada Sadaa ee ku taalla dalkaasi, waxaana halkaasi labada dhinac ku dhexmaray dagaal xooggan oo khasaare dhimasho iyo dhaawac uu kasoo gaaray askarta Bakistaan.
illaa 3 askari oo dhimasho ah iyo dhaawaca 6 kale, ayey qirtay dowladda Bakistaan in looga dilay dagaalkaasi, halka Xarakada Dhaalibaan Bakistaanna bayaan ay soo saartay ku sheegtay, in 12 kamid ah ciidanka amniga Bakisaan ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen weerarka.
Sidaasi si lamid ah dagaal kale ayey isla Mujaahidiin katirsan Xarakadan ku qaadeen fariisiin ay ciidanka Bakistaan ku leeyihiin gobolka Kheybar Bakhtun Khawa ee dhaca Waqooyi Galbeed wadanka Bakistaan, waxay halkaasi ciidanka Xukuumadda Bakistaan uga dileen 3 askari 4 kale waa ka dhaawaceen.
Isku darka askarta dhimashada iyo dhaawaca ku noqotay labada weerar ayaa ah 19, waana khasaare culus oo dhabarka loo saaray dowladda Bakistaan.