Dalka Koonfurta Suudaan oo ay ka taagan tahay xiisad colaadeed oo udhaxeysa madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka dowladda ka jirta dalkaasi, ayaa xilligan laga dareemayaa amni darro xoogan iyo saan saan colaadeed, taasoo shisheeyaha xarumaha ku leh halkaasi ku kalliftay iney dadkooda kala baxaan dalkaasi.
Maalintii shalay wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Mareykanka ayaa war ay soo saartay waxay ku sheegtay, iney shaqaalaheeda qaar kamid ah ku amartay iney isaga soo baxaan dalkaasi, sababo la xiriir xaalada colaadeed iyo dagaallada kasoo cusboonaaday dalkaasi.
Wasaaradda ayaa sababta keentay iney shaqaalaheeda la baxdo ku sheegtay iney jirto khatari soo korortay taasoo ah iney wadankaasi uu ka jiro dagaal udhaxeeya kooxo siyaasadda ku lug leh iyo mid qabiil intaba, arrintaasoo keentay bey tiri in hubka uu aad uga dhex faafo dadka sida ay hadalka udhigtay.
Tallaabadan ay qaadday dowladda Mareykanka ayaa kusoo aadeysa xilli Jimcihii lasoo dhaafay wadankaasi lagu dilay mid kamid ah shaqaalaha hay’adda Qaramada Midoobay, 2 kalena lagu dhaawacay, xilli ay doonayeen iney soo daad gureeyaan ciidamo katirsan kuwa wadankaasi oo go’doon ku jiray, kadib dilka shaqaalaha ayaana waxaa fashil ku soo dhamaaday howashii daad gureynta ee ay Qaramada Midoobay utagtay halkaasi.
Taasi waxay keentay iney dowlado badan cabsi dareemaan islamarkaana ubaqaan shaqaalahooda iyo dadka uga shaqeeya safaaradaha ku yaalla wadankaasi.