Monday, March 10, 2025
HomeAll NewsCiidanka Yahuudda oo Tiro Dad ah Ku Dilay Magaalo Dhacda Koonfurta Lubnaan.

Ciidanka Yahuudda oo Tiro Dad ah Ku Dilay Magaalo Dhacda Koonfurta Lubnaan.

Wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda Lubnaan oo soo xiganeysa wakaalladda wafaafinta ee xukuumadda Beruut ayaa sheegtay maalintii shalay, in magaalada Kafrakla ee dhacda Koonfurta wadankaasi lagu dilay 1 askari oo kamid ah xukuumadda dalkaasi 2 ruux oo kalena lagu dhaawacay.

Dilka askariga iyo dhaawaca labada qof oo shacab ah ayey wakaaladdu sheegtay iney ka dambeeyaan ciidamada Yahuudda, kuwaasoo xoog ku jooga Koonfurta Lubnaan, islamarkaana diiday iney ka baxaan tan iyo markii ay dhamaatay mudadkii la go’aamiyay ee ku xisneyd heshiis ku sheegii dhexmaray Yahuudda iyo ururka Shiiciga ah ee isku magacaabay Xisbullaah.

Arrinta la yaabka leh ayaa ah, in iyadoo sidaasi ay Yahuuddu u dileyso ciidanka xukuumadda Lubnaan hadane aysan hal xabad ku ridikarin, taasoo ay usii dheertahay iney Yahuuddu si dadban ugumeysato askartan, lana maamusho dhulka ay sheegayaan iney iyagu ka taliyaan ee kamid ah wadanka Lubnaan.

Isku soo wada duuboo ciidanka Yahuudda ee ku sugan Koonfurta Lubnaan ayaa ujooga halkaasi mid kamid ah ahdaaftii ay Yahuudda dagaalka ugu qaadday dalkaasi  oo ah dhul ballaarsi.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.