Taliska millatariga ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo warsaaxafadeed kasoo saaray howlgal inqimaasi ah oo wali ka soconaya xarun ku taalla magaalada Baladweyne iyo dagaallo ka dhacay gobalka Sh-dhexe.
Waxaa bayaanka lagu sheegay, in howlgalkii maanta barqadii lagu qaaday xarunta ku taalla magaalada Baladweyne uu wali soconay, khasaaraha horudhacana uu yahay in ka badan 20 dhimasho ah oo ay ku jiraan 4 kamid ah horjoogayaal loo xil saaray abaabul ka dhan ah deegaanno dhaca galbeedka wilaayada islaamiga ah ee Hiiraan.
Sidoo kale waxaa bayaanka looga hadlay, khasaaraha dagaallo maanta ka dhacay duleedka degmada Cadale ee gobalka Sh-dhexe, waxaana dagaalladaasi lagu dilay 18 askari halka alagu dhaawacay in ka badan 30 kale.