Maalintii shalay waxaa magaalada Muqdisho gaar ahaan Warshadda Caanaha ee degmada Hodan lagu dilay, wiil dhalinyaro ah oo kamid ah dhaliinta ku shaqeysata Mooto Babaajta.
Dilka wiilka dhalinyarada ah ayaa waxaa geystay askari katirsan Dowladda Fedaraalka gaar ahaan kuwa loo yaqaanno Taraakifakada oo wadaha Mooto Bajaaj ka doonayay lacag baad ah, kaas oo dilka kadib goobta isaga baxsaday.
Intaasi kadib isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay dibadbax ay dhigeen Bajaajleyda Muqdisho, kaas oo ay kaga soo horjeedaan dilka iyo dhoibaatooyinka kale ee ay kala kulmayaan ciidamada Dowladda Fedaraalka.