Wednesday, March 12, 2025
HomeAll NewsDagaalyahannada Al-Shabaab ee Weeraray Baladweyne oo Badqab Ku Laabtay.

Dagaalyahannada Al-Shabaab ee Weeraray Baladweyne oo Badqab Ku Laabtay.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo warbaahinta Islaamiga la hadlay ayaa xaqiijiyay, in dagaalyahannadii Naftood huriyaasha ahaa ee qaaday weerarkii Baladweyne ka dhacay, ay dib ugu laabteen goobihii ay kasoo weerar tageen iyagoo badqaba.

Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay gudaha u galay magaalada Baladweyne, iyagoo dagaal toos ah la galay askarta Dowladda Federaalka ee ku hareereysanaa dhismaha uu howlgalka ka socday.

Tani waxay suurogelisay in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee gudaha u galay magaalada ay go’doominta ka qaadaan, naftood huriyaasha ku sugnaa gudaha xarunta ay weerareen, sidaasina iyagoo badqaba ay dib uga soo baxaan goobtii ay weerareen.

Ilo wareedka la hadlay warbaahinta Islaamiga wuxuu intaa ku daray, in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay soo qaateen saanado hub ah, oo ku keydsanaa qol ku yaala dhismaha, looguna talogalay in lagu carqaladeeyo amniga ka jira Wilaayaatka Islaamiga.

Tani ayaa muujineysa weji horleh oo uu galayo dagaalka ka socda Soomaaliya, iyadoo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay lasoo baxday dardar horleh, halka Dowladda Federaalka ay ku jirto xaalad quus iyo walaac ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.