Waxaa maanta markale ay dagaallo culus ka dhaceen qeybo kamid ah gobalka Sh-dhexe, kuwaas oo khaasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay ciidamada Dowladda Fedaraalka.
Dagaalla oo in ka badan 2 jeer lagu jabiyay ciidamada Dwowladda Fedaraalka ayaa waxa ay si gaar ah uga dhaceen, deegaanka Laba-garas ee gobalka Sh-dhexe.
Diyaaradaha Mareykanka ayaa galbinayay askarta ay dagaalladu qabsadeen, waxaana lagu dilay ku dhawaad 10 askari.
Ugu yaraan 7 kamid ah ciidanka Dowladda Fedaraalka gaaar ahaan kuwa Bangarafta ee uu Mareykanku tababartay ayaa lagu dilay dagaallada, halka lagu dhaawacay 6 kale.