Xildhibaanno badan oo ku kulmay magaalada Muqdisho ayaa qeylo dhaan ka muujiyay isfidinta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, iyagoo Xasan Sheekh usoo jeediyay inuu is casilo.
Maalintii shalay ku dhawaad 100 kamid ah xildhibaaannada Dowladda Fedaraalka oo ay ka muuqdeen kuwa ugu caansan ee mucaaradka ah, ayaa waxa ay ku kulmeen magaalada Muqdisho iyagoona soo saaray qodobo dhowr ah.
Waxa ay ugu horreyn qeylo dhaan ka muujiyay isfidinta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, iyagoo sheegay in taasi ay tahay khatar iyaga kusoo fool-leh, waxa ayna dhanka kale xuseen in Xasan Sheekh uu noqday kaligiis talis dalkana u beylihinaya dowlado Shisheeye.
Waxa ay intaasi ku dareen in Dowladda Fedaraalka ay gashay in ka badan 20 hishiis, ayna tahay dowladdii ugu tayada xumeyd ee dalka soo marta, islamarkaana ay ku fashilantay siyaasadda arrimaha gudaha.
Halkaan ka Degso Warka Xildhibaannada