Friday, March 14, 2025
HomeAll NewsDuqeyn Lagu Garaacay Xero Ciidan oo ku Taalla Muqdisho iyo Askari Lagu...

Duqeyn Lagu Garaacay Xero Ciidan oo ku Taalla Muqdisho iyo Askari Lagu Dilay Bay.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa goordhow laga maqlay, duqeymo xoogan oo ku hoobanaya xero ciidan oo ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan kuwa Dowladda Federaalka.

Xerada duqeynta lagu garaacay ayaa ah xero tababar oo u dhow garoonka diyaaradaha degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, waxaana duqeyntu geysatay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Inta la xaqiijiyay waxaa duqeynta lagu dilay 3 askari, halka lagu dhaawacay 5 kale, masuuliyadda duqeyntan ayaana waxaa sheegtay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Dhanka kale, weerar toogasho ah ayaa goordhow ka dhacay degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay, waxaana lagu dilay askari katirsan maamulka Koonfur galbeed, iyadoo laga furtay qorigii iyo booshkii uu watay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.