Sunday, March 16, 2025
HomeAll NewsKooxda TPLF ayaa Labo Garab u Kala Jabtay & Dagaallo la Filayo...

Kooxda TPLF ayaa Labo Garab u Kala Jabtay & Dagaallo la Filayo Iney ka Dhacaan Tigree.

Wararka ka imaanaya wuqooyiga dalka Itoobiya ayaa ku waramaya, in halkii ugu sareysay gaaray khilaafka u dhexeeya Kooxda TPLF ee Tigreega, kuwaasoo u kala jabay labo garab, oo kala taabacsan hogaamiyaha kooxda TPLF Debretsion Gebremicael iyo madaxweynaha ismaamulkaas ninka lagu magacaabo Getachew Reda .

Khilaafkan oo mudooyinkii u dambeeyayba soo jiitamayay ayaa salka ku haya xukunka, waxaana inta badan kooxda Tigreega kasoo horjeedaa inuu xilka madaxtnimada maamulkaasi sii hayo ninka lagu magacaabo Getachew Reda , kaasoo ay ku eedeynayaan inaanu si wanaagsan u gudan howshii loo igmaday.

Saraakiisha jilba culusta ah ee kooxda TPLF ayaa doonaya in xilka madaxtnimada ee ismaamulka Tigree loo dhiibo Debretsion Gebremicael oo ah jeneraal ciidan, oo in muda ah soo hogaamiyay kooxda TPLF, ahaana ninkii hogaaminayay dagaalkii sanado kahor ka dhacay Tigree, ee u dhexeeyay kooxda TPLF iyo dowladda Itoobiya.

Waqti xaadirkan waxaa saraakiishii ugu muhiimsaneyd ee Tigreega ay biiriyeen safka Debretsion Gebremicael, iyagoo meel cidlo ah uga soo dhaqaaqay madaxweynaha ismaamulka, kaasoo dhankiisa u muuqda nin doonaya inuu difaacdo kursigiisa, dagaal iyo dhiigna uga hortago damaca haya saaxiibkiisii hore Debretsion Gebremicael.

Sida ay ku waramayaan wararka ka imaanaya gobolka Tigreega ee wuqooyiga Itoobiya, waxaa labo garab u kala jabay ciidanka Tigreega, kuwaasoo badankood raacay dhanka Debretsion Gebremicael, saacad welibana waxaa la filan karaa inuu dagaal qarxo, maadaama magaalooyinka ay isla joogaan ciidamo iska soo horjeeda.

Deegaannada qaar ee gobolka Tigreega waxay warbaahintu kusoo warameysaa iney ka dhaceen dagaallo culus, oo u dhexeeya labada garab ee ay u kala jabtay kooxda TPLF, iyadoo dhinacyadu ay deegaanno kala qabsadeen.

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Maqalle oo ah xarunta ismaamulka Tigree ayaan u shaqeynin si toos ah, waxaana warar soo baxay ay tilmaameen iney la wareegeeen ciidamo taabacsan hogaamiyaha jabhadka ah ee Debretsion Gebremicael.

Lama oga in colaadan iyo khilaafkan soo kala dhexgalay Tigree uu gadaal ka hurinayo Abiy Axmed, oo siyaasadiisa ugu weyn tahay marka ay xaalado soo wajahaan inuu huriyo dagaallo kale, si ay ugu suurogasho inuu sii joogo xukunka, dhinacyada kasoo horjeedana uu dhexdooda isugu mashquuliyo.

Halkaan ka Degso Warka TPLF

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.