Friday, March 14, 2025
HomeAll NewsGudoomiyihii Hore ee Baarlamaanka Hirshabeelle: "Al-Shabaabkii Soo Weeraray Baladweyne Wey Baxsadeen"

Gudoomiyihii Hore ee Baarlamaanka Hirshabeelle: “Al-Shabaabkii Soo Weeraray Baladweyne Wey Baxsadeen”

Cismaan Barre Maxamed oo ah gudoomiyihii hore ee baarlamaanka maamulka Hir Shabeelle, ayaa sheegay in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee fuliyay weerarkii Baladweyne, ay iyagoo badqaba ka baxeen xaruntii ay weerarka kusoo qaadeen.

Wuxuu sheegay in ciidamada Sirdoonka Dowladda Federaalka ee ku sugnaa aaga xarunta lagu dagaallamayay, ay ku fashilmeen iska caabinta ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, halkaasina ay si fudu uga baxeen ciidamadii naftood huriyaasha ahaa ee weerarka soo qaaday.

Masuuliyadda fashilkaas ayuu dusha kaga tuuray hay’adda Sirdoonka Dowladda Federaalka ee uu hogaamiyo Sanbaloolshe.

Halkaan ka Degso Warka Gudoomiyaha

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.