Warbixin ciwaan looga dhigay ” dagaallada dronesta” oo laga soo saaray dalka Ingiriiska ayaa lagu sheegay, in duqeymaha loo adeegsado diyaaradaha dronesta ay dad maati ah ku laayaan dalalka Afrika, saddexdii sano ee lasoo dhaafeyna ay aad u bateen adeegsiga diyaaradaha wax gumaada.
Warbixinta waxaa lagu sheegay iney bateen dhinacyada adeegsanaya diyaaradaha dronesta, dowladaha Afrikana ay badankood soo iibsadeen, iyagoo u adeegsanaya si xirfad la’aan ah, taasina ay dhalisay dhimashada iyo dhaawac dad badan oo shacab ah, kuwaasoo ku sugan goobaha lagu dagaallamayo.
Sida taqriirku tilmaamayo, kudhawaad kun ruux oo shacab ah ayaa ku dhintay, ugu yaraan konton duqeyn oo loo adeegsaday drones, kuwaasoo ka dhacay lix dal oo Afrika ku yaala intii u dhexeysay sanadihii 2021-ka iyo 2024-ka.
Badi duqeymaha dronesta waxaa lagu sheegay inaaney awood u lahayn kala saaridda dadka shacabka ah iyo dagaalyahannada la begsanayo, taasina ay keentay in dadka shacabka ah ay noqdaan kuwa ugu badan ee ku waxyeellooba duqeymaha.
Sida ay tilmaamayaan xubnaha qoray warbixintan, diyaaradaha dronesta ayaa loo arkaa hub waxtar leh marka la joogo dagaallada, waana mida keentay in dowlado badan oo Afrika ku yaala ay soo iibsadeen sanadihii tagay, warbixinta ayaana sheegtay in toban dal oo Afrika kamid ah ay gacanta ku hayaan diyaarado drones ah, sidaasi darteedna loo baahanyahay in caalamku dib u eegis ku sameeyo iibsiga diyaaradaha dronesta.
Marka laga hadlayo dalalka ugu badan ee ay khasaaraha ka geystaan diyaaradaha dronesta kuna yaala Afrika waxaa kamid ah Suudaan, Soomaaliya, Nigeria, Burkina Faso iyo Itoobiya. dalka Naygeeriya ayaa waxaa silsilado duqeymo ah oo loo adeegsaday diyaarado drones ah waxaa ku dhintay inkabadan 171 ruux, sida lagu sheegay warbixinta.
Dalka Soomaaliya ayaa isagana kamid ah goobaha ay warbixintu soo hadal qaaday, kana dhacaan duqeymaha dronesta ee lagu beegsado dadka shacabka ah, waxaana dhacdooyinka ay warbixintu xustay kamid ah duqeyn lagu dilay ugu yaraan 23 ruux oo shacab ah, kuwasaoo ahaa dad beeralley ah kuna sugnaa koonfurta Soomaaliya.
Diyaaradaha Maraykanka iyo Turkiga ayaa duqeymo cashwaa’i ah ka geysta qeybo kamid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxaana mar weliba oo ay dad shacab ah laayaan ku sheegaan iney yihiin xubno katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, wax magdhow iyo raallgelin ahna kama bixiyaan dadka shacabka ah ee ay gumaadaan.
Audio Player