Diiradda Jimcaha, waa barnaamij todobaadle ah oo ka baxa Warbaahinta Islaamiga Al-Furqaan, waxaana lagu falanqeeyaa hadba qodobka ugu weyn ee todobaadkaas taagan, iyadoo mararka qaarna lagu soo gudbiyo mawaadiic gaar ah oo ahmiyad xambaarsan.
Barnaamijka Diiradda Jimcaha waxaa maanta looga hadlay dagaalka mudada ku dhaw 20 sano ka socda Soomaaliya iyo waxa uu salka ku hayo, waxaana soo jeedinaya Cabdifataax Maxamed Qaasim.