Ilo wareedyo magacyadooda diiday oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay, in madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud uu dhawaan la kulmay masuuliyiin sare oo katirsan maamulka Yahuudda ee gumaadka iyo gumeysiga ku heysta dhulka barakeysan ee Filastiin.
Safar uu dhawaan Xasan Sheekh Maxamuud ku tagay dalka Aderbijaan ayaa lagu waramay, inuu halkaasi kula kulmay masuuliyiin katirsan maamulka Yahuudda, kuuwaasoo ay ka wada hadleen arimo kala duwan.
Sida ay ku waramayaan ilo wareedyada, waxaa kulanka dhexmaray Xasan Sheekh Maxamuud iyo Yahuudda aad looga qariyay warbaahinta iyo xitaa qaar kamid ah masuuliyiinta qeybta ka ahaa safarka madaxweynaha Dowladda Federaalka, saraakiisha Yahuudda ayaana sheegay iney xiisaynayaan xiriir toos ah oo dhexmara Yahuudda iyo Dowladda Federaalka.
Lama oga illaa iyo hadda waxa uu Xasan Sheekh Maxamuud kaga jawaabay codsiyada Yahuudda iyo waxa uu dhankiisa ka codsaday iyaga, laakiin dhowrjeer oo hore ayay warbaahintu heshey xogo tilmaamaya, in Xasan Sheekh Maxamuud uu kulamo la yeeshey masuuuliyiin katirsan maamulka Yahuudda.
Mar sii horeysay ayaa la sheegay in kulan ka dhacay dalka Imaaraatka Carabta ay isku arkeen Xasan Sheekh Maxamuud iyo masuuliyiin ka socotay maamulka Yahuudda, waxaana uu horey Xasan Sheekh u sheegay inuu Yahuudda u aqoonsanyahay iney yihiin dowlad.