Hogaamiyaha maleeshiyaadka taabacsan Dowladda Fedaraalka ayaa sheegay inuu ku daba dheeraaday dagaalka ay kula jiraan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Cali Jeyte oo ah hogaamiyaha Maleeshiyaadka taabacsan Dowladda Fedaraalka, ayaa isagoo ka qeyb galayay kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxa uu kaga hadlay dhibaatada ay ku qabaan dagaalka ka dhan ah Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Cali ayaa sheegay in muddo 4 sano ah uu galay dagaalka ay la galeen maamullada Wilaayaadka Islaamiga ah, mudadaasna aysan jirin wax taageero ah oo ay ka heleen Dowladda Fedaraalka.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Maleeshiyaadka uu hogaamiyo aysan awoodin dagaalka ka dhanka ah Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, isagoo xusay in siday hadda wax ku socdaan ay tahay mid aan iyaga farxad galineynin.
Halkaan ka Degso Warka Cali Jeyte