Wararka ka imaanaya dalka Mareykanka ayaa ku waramaya, in dab uu ka kacay diyaarad rakaab oo ka dageysay mid kamid ah garoomada ku yaalla dalkaas.
Diyaaradda oo ay iska leedahay sharikad shirkadda American Airlines, ayaa waxa uu dabki qabsaday xilli ay ka dageysay garoonka diyaaradaha ee ku yaalla Mandiqadda Kolarado ee dalka Mareykanka.
Markii ay garoonka soo caga dhigatay ayaa waxaa mar qura uu dab qabsaday diyaaradda, iyadoo dadkii saarnaa ay billaabeen iney si halhaleel ah kaga degtaan diyaaradda.
Ugu yaraan 12 ruux oo kamid ahaa rakaabkii diyaaradda saarnaa ayaa la dhigay isbitaallada, kadib markii ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen dabka ka kacay diyaaradda.