Sunday, March 16, 2025
HomeAll NewsDowladda Maraykanka oo Dalkeeda ka Erisay Safiirka Koonfur Afrika ee Dalkaas.

Dowladda Maraykanka oo Dalkeeda ka Erisay Safiirka Koonfur Afrika ee Dalkaas.

Wasiirka arimaha dibadda Maraykanka ninka lagu magacaabo Robio ayaa sheegay, in dowladda Maraykanka ay dalkeeda ka erisay safiirka Koonfur Afrika u fadhiyay magaalada Washington, kadib markii ay ku eedeysay inuu necebyahay Maraykanka iyo madaxweynihiisa Donald Trump.

Qoraal uu barta X soo dhigay wasiirka arimaha dibadda Maraykanka ayuu ku sheegay, in safiirka Koonfur Afrika ee Maraykanku uu yahay shakhsi aan laga jecleyn gudaha Maraykanka, uuna yahay fitno wade kiciya qulqulatooyinka salka ku haya arimaha qomwiyadaha, sida uu warka u dhigay masuulkan Ameerikaanka ah.

“Ibraahim Rasuul oo ah safiirka Koonfur Afrika ma ahan qof laga jecelyahay dalkan Maraykanka, sababo ku aadan inuu yahay nin huriya dhibaatooyinka qowmiyadaha” ayuu ku yiri qoraalka uu soo dhigay barta X, wasiirka arimaha dibadda Maraykanka Robio.

Dowladda Koonfur Afrika ayaa dhankeeda sheegtay inuu soo gaaray go’aanka Maraykanka, ayna la xariireyso xukuumadda Washington iyadoo adeegsaneysa xiriirada diblumaasiyadda, arinkan ayaana lagu sheegay war kasoo baxay wasaaradda arimaha dibadda Koonfur Afrika.

Bishan Marso ee socota ayuu wasiirka arimaha dibadda Maraykanka wuxuu sheegay inuusan ka qeybgeli doonin kulan ka dhacaya dalka Koonfur Afrika, kaasoo ay yeelanayaan dowladaha G20, wuxuuna sababta ku sheegay in dowladda marti gelineysa kulankaas ay leedahay siyaasad kasoo horjeeda Maraykanka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.