War saxaafadeed kasoo baxay Taliska ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa lagu faafaahiyay, weeraradii safka ballaarnaa ee maanta ka dhacay qeybo kamid ah gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.
Dagaalkii Awdheegle, waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku dileen sida bayaanka lagu sheegay inkabadan sodon askari, halka ay ku dhaawaceen tiro intaas kabadan, waxaana jira saanado hub ah.
Dhanka dagaalkii Sumadaale ka dhacay ee hoostaga degmada Cadale ayaa sidoo kale lagu faafahiyay bayaanka khasaaraha ka dhashey, waxaana lagu sheegay in marka laga yimaado ciidanka lagu dilay ay jiraan saanado hub ah oo gacanta lagu dhigay.