Monday, March 17, 2025
HomeAll NewsXildhibaanno Kasoo Horjeestay Go'aan Kasoo Baxay Aadan Madoobe.

Xildhibaanno Kasoo Horjeestay Go’aan Kasoo Baxay Aadan Madoobe.[DHAGEYSO]

Xildhibaanno katirsan baarlamaanka Dowladda Fedaraalka ayaa kasoo horjeestay go’aan kasoo baxay gudoomiyahooda, iyadoona la sheegay iney wadaan muushin isaga ka dhan ah.

Waxaa warsaxaafadeed ay soo saareen in ka badan 100 xildhibaan oo katirsan Dowladda Fedaraalka ay si adag kaga horjeesteen, go’aan kasoo baxay gudoomiyaha baarlamaanka ninka lagu magacaabo Aadan Madoobe.

Go’aanka Aadan Madoobe ayaa lagu sheegay, in xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib uu lumiyay xubinnimadiisii golahaas, taas oo ay kasoo horjeesteen xildhibaannadaan.

Tallabadaas ayay ku tilmaameen iney gabi ahaaanba kasoo horjeedaan islamarkaana aysan waafaqsaneen sharcigooda, iyadoo warar la helayo ay sheegayaan in xildhibaannadaas ay wadaan muushin ka dhan ah Aadan Madoobe.

Halkaan ka Degso Warka Xildhibaannada

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.