Camaliyaddan oo ahayd mid kaligii duulnimo ah, ayaa waxaa fuliyay qof hubeysan oo aan faahfaahin dheeraad ah laga heynin shakhsiyaddiisa, waxayna ka dhacday mandiqadda AR-Raabiyah oo dhacda hareeraha Safaaradda.
Qofkan howlgalka kaligii duulimo qaaday waxay kahor inta uusan gaarin safaaradda isku heleen ciidamo katirsan kuwa amniga urdun oo safaaradda yahuudda ilaalo kahaya, waxayna halkaasi isku dhaafsadeen rasaas xooggan oo sababtay inuu ka dhaawaco ciidanka amniga Urdun 3 askari, kuwaasoo loola cararay isbitaalka, isagana ugu dambeyntii waxaa dilay goobta ayey ku dileen.
Muuqaal laga soo duubay goobta xilliga uu howlgalku dhacayay oo ahayd saq-dhexe ayaa laga maqlayaa gudihiisa rasaas la isdhaafsanayo, inkastoo aan si toos ah loo arkeyn maadaama laga duubay meel fog.
Illaa iyo haatan waxba lama oga cidda uu ka tirsan yahay qofka fuliyay weerarkan iyo haddii uu yahay mid kaligii is abaabulay, mana jirto jamaaco ama koox sheegatay howlgalka gaar ah ee ka dhacay Magaalada Cammaan ee caasimadda Dalka Urdun.
Horay sidan oo kale waxaa marar kala duwan wadanka Urudun uga dhacay howlgallo kaligii duulnimo.