Duqeyntan oo dhacday saacadihii lasoo dhaafay ayaa lala beegsaday dhisme ka kooban 8 dabaq oo ku yiilay xaafadda Al-Basda ee dhacda bartamaha caasimadda Beyruut, waxaana ka dambeeya maamulka Yahuudda oo duqeyn dhanka cirka ah ku bartilmaameedsaday.
Dhismaha duqeyntu haleeshay ayaa gabi ahaanba dhulka la sinmay, waxaana Yahuuddu halkaasi ku dileen 15 qof, halka ay dhaawaceen in ka badan 20 kale, sida ku xusan Wasaaradda Caafimaadka ee Lubnaan tiro koobkii ugu dambeeyay oo ay sameysay.
In kastoo Yahuuddu sheegatay iney duqeyntan ku beegsatay hogaamiyaal katirsan ururka Shiiciga ah ee Xisbullaah ku sugnaa dhismaha, hadane ilo ku sugan gudaha Lubnaan waxay kasoo horjeesteen sheegashada ciidanka Yahuudda ee ah iney hogaamiyaal katirsan ururkaasi ku sugnaayeen dhismaha la beegsaday, waxaana lagu micneeyay iney arrintani tahay mid ay Yahuuddu marmarsiiyo ka dhiganeyso, si ay duugto dembiga ay gashay.