Tuesday, March 4, 2025
HomeAll NewsCulimada Muqdisho oo Sheegay in Xijaabka Haweenka Muslimiinta Dagaal Lagu hayo. .

Culimada Muqdisho oo Sheegay in Xijaabka Haweenka Muslimiinta Dagaal Lagu hayo. [Dhagayso].

Qaar kamid ah culimada magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, ayaa ka hadlay arimo ka hor imaanaya Shareecada Islaamka oo waayadii u dambeysay kusoo badanayay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Qaar kamid ah culimada oo warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay, in dhaqannada xun ee kusoo kordhay Muqdisho ay kamid tahay in mootada labo lugooleyda ay isla raacaan labo qof oo rag iyo dumar kala ah, taasoo kamid ah waxyaabaha lagu fasahaadinayo bulshada.

Waxaa sidoo kale Muqdisho ka dhacay isku imaatin munkar ah, oo ay ragga iyo dumarku is dhexgaleen, iyadoo la dhiirgelinayo isku dhex milanka iyo heesaha.

Culimadu waxay sidoo kale soo hadal qaadeen in munkarkaas oo socda, hadana Muqdisho ay kusoo kordheen la dagaallanka shacaa’irta islaamka, sida xijaabka iyo indho shareerka, oo la sameeyey baro kontorool oo haweenka Muslimaadka looga qaado niqaabka, taasoo ay tilmaameen iney la dagaallanka diinta Islaamka.

Halkan kala deg

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.