Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxa ay fuliyeen weeraro kala duwan oo ka dhan ah Shisheeyaha kusoo duulay dalka iyo askarta Dowladda Fedaraalka.
Weeraradaan ayaa waxa ay ka kala dhaceen goballada Gedo, Sh-hoose, Baay iyo Bakool, kuwaas oo dhammaantood dhaca Koonfurta Soomaaliya.
Haddaan ku horreyno gobalka Gedo, Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay habeenkii xalay weerar ku qaadeen, xerada ciidamada Dowladda Federaalka ku leeyihiin xarunta WFP ee degmada Garbahaarrey ee gobolka Gedo.
Habeenkii xalay waxay kaloo ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar ku ekeeyay, fariisinkaq ay askarta Shisheeye ee Uganda ku leeyihiin garoonka diyaaradaha ee magaalada Baraawe ee Sh-hoose,
Geesta kale waxaa weeraro lagu qaaday saldhigyada ay askarta maamulka la baxay Koonfur-galbeed ku leeyihiin degmada Diinsoor, Goof-gaduud Buurey oo dhacda duleedka Beydhabo, iyo degmada Xudur oo ka kala tirsan Baay iyo Bakool.