Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ku waramaya in ugu yaraan 50 ruux oo rayid ah lagu dilay, duqeyn ay diyaaradaha Dowladda Xabashida Itoobiya ka geysteeb gobalka Amxaarada ee dhaca woqooyiga Itoobiya.
Gaadiid xamuul ah oo ku safrayay meel u dhaw degmada Dawunt ee dhacda waqooyiga Wollo ee gobolka Amxaarada yay diyaaraduhu la beegsadeen duqeynta.
Goobjoogayaal warbaahinta la hadlay ayaa waxa musiibo ah ku tilmaamay duqeynta ay geysteen diyaaradaha Itoobiya, ayna arkayeen dad go’go’ay oo daadsan wadooyinka.