Thursday, March 6, 2025
HomeAll NewsGudoomiyaha Degmada Kaxda oo si Adag Uga Hadlay Xayiraad Lagu soo Rogay.

Gudoomiyaha Degmada Kaxda oo si Adag Uga Hadlay Xayiraad Lagu soo Rogay.[DHAGEYSO]

Cabdillaahi Sheekh Cabdiraxmaan oo ah gudoomiyaha degmada Kaxda ee Dowladda Fedaraalka oo wareysi bixinayay ayaa isagoo careysan waxa uu ka hadlay, warqad xayiraado lagu saaray oo kasoo baxday gudoomiyaha maxkamadda gobalka Banaadir.

Cabdullaahi ayaa warqaddaasi ku tilmaamay mid baadil ah oo loogu xadgudbay sumcaddiisa isda uu hadalka udhigay, isagoo xusay in gudoomiyuhu uu faragalin ku hayay degmada Kaxda.

Waxa uu tilmaamay ineysan wax shaqo ah ka dhaxeynin isaga iyo gudoomiye Saalax, uuna dhoofi karo xilliga uu doono hanjabaadna aan waxba looga qaadi karin.

Halkaan ka Degso Warka Gudoomiyaha Kaxda

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.