Wednesday, March 5, 2025
HomeUncategorizedDilal Qorsheysan oo Siyaabo Kala Duwan Uga Dhacay Ismaamulka Nakuru ee...

Dilal Qorsheysan oo Siyaabo Kala Duwan Uga Dhacay Ismaamulka Nakuru ee Dalka Kenya.

Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa ku waramaya in dilal qorsheysan ay ka dhaceen, mid kamid ah ismaaullada ku yaalla gudaha dalkaas.

Dilalkaan oo 3 gaaraya ayaa waxa ay ka dhaceen deegaanno kala duwan oo katirsan ismaamulka Nakuru ee dalka Kenya, waxaana socdo baaritaanno ku aaddan sida ay wax udhaceen.

Dilka koowaad ayaa ka dhacay deegaanka Bahati ee ismaamulka Nakuru, waxaana guri halkaasi ku yaalla laga dhex meydka qof dumar ah, iyadoo ay baxsadeen dadkii dilkaasi geystay.

Dilka labaad ayaa waxaa geystay sarkaal katirsan boliska Dowladda Kenya, kaas oo saldhig ku yaalla ismaamulka Nakuru ku dilay nin oday ah oo 74 jir ahaa.

Deegaanka Elementaita oo isana katirsan ismaamulka Nakuru waxaa ka dhacay, kufsi iyo dil loo geystay haweeney 75 jir ah, waxaana dadka deegaanka ay dhigeen dibadbax ay kaga soo horjeedaan arrintaas.

Ismaamulka Nakuru ee dalka Kenya waxa uu kamid yahay ismaamullada ugu ammaanka xun ee dalkaas, waxaana mandiqaddaan ku badan burcadda dilalka iyo dhaca ugeysta dadka deegaanka.

Dhawaan ayay aheyd markii Dowladda Kenya ay gabi ahaanba albaabada isugu dhufatay, xarumihii waxbarashada ee ku yiilay ismaamulka Nakuru, sababo ku aaddan ammaan darrida xadka ka baxday ee ka jirta gobalkaas.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.