Tuesday, March 4, 2025
HomeAll NewsAadan Barre Ducaale oo Tilmaamay in NFD aan Lagu Tilmaami Karin Dhul...

Aadan Barre Ducaale oo Tilmaamay in NFD aan Lagu Tilmaami Karin Dhul Soomaaliyeed.

Aadan Barre Ducaale oo katirsan Wasiirada Dowladda Kenya ayaa Diiday in Dhulka Soomaaliyeed ee NFD lagu tilmaamo Dhul Soomaalidu leedahay.

Wasiirka Deegaanka ee dalka Kenya Aadan Barre Ducaale, ayaa si adag u diiday in dhulka Soomaaliyeed ee Kenya gumeysato lagu tilmaamo inuu yahay dhul Soomaali ah, wuxuuna sheegay in taasi aaney ogolaaneynin.

Isagoo ka fal celinayay warbixin uu baahiyay telefeshin laga leeyahay dalka Kenya, oo magaalooyinka Gaarisa, Wajeer iyo kuwa lamidka ah ku tilmaamay dhul Soomaaliyeed, ayuu Aadan Barre Ducaale tilmaamay in tilmamataas ay tahya mid khaldan, dhulkaasina yahay dal Kenya leedahay.

“Deegaanka Soomaalida aa? Macne xumo; Gaarisa, Wajeer iyo Mandheera, waxa ay ku jiraan xudduuudda dhuleed ee Jamhuuriyadda Kenya oo ah hal dal oo midoobay.” ayuu ku yiri qoraal uu ku daabacay barta uu ku leeyahay X.

Halkan kala deg Faafaahinta

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.