Ciidamada Mujaahidiinta ee Al-Qaacidada Jaziiradda Carabta, ayaa howlgal gaar ah oo ay ka fuliyeen gobolka Abyan waxay ku dileen, saraal katirsanaa malleeshiyaadka calooshood ushaqeystayaasha Imaaraat-ka Carabta ee uu ka dhisay gudaha dalkaasi.
Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabijiray Yuusuf Ar-Radfani, wuxuu dilkiisu kusoo aadayaa xilli uu Abyan dagaal xooggan ku dhexmarayo Mujaahidiinta Ansaar Ash-Shariica iyo malleeshiyadan.
Ugaarsiga lagu hayo kooxdan iyo weerarada kala duwan ay kala kulmayaan Mujaahidiinta Al-Qaacida ee ka dagaallama dalka Yaman, ayaa waxay malleeshiyaadka ka dhigeen kuwa gacan ku gambad ah.
Marar kala duwan ayey Ansaar Ash-Shariica ka duqeeyeen dhanka cirka, iyagoo sido kale dhulka weeraro toos ah iyo qaraxyo kula beegsada.
Dibadbaxyo Rabshado wata oo ay Dad ku Dhaawacmeen ayaa ka Dhacay Dalka Giriiga.
Maalintii shalay oo Jimco ahay waxaa caasimadda dalka Giriiga ka dhacay, banaabaxyo ay isugu yimaadeen dad badan oo ay kaga soo horjeedaan xukuumadda dalkaasi, dhanka kalena ay ku xusayeen sida ay sheegeen dad ku le’day shil dareen oo dhacay 2023-kii.
Banaanbaxayaashan iyo ciidamada Booliska Giriiga ayaa waxaa dhexmaray iska hor imaadyo xooggan, iyadoo Boolisku ay dadka u adeegsadeen suntan dadka ilmeysiisa, halka dibaxyaashuna ay ciidanka waxyaabo ay kamid tahay maalatoofta.
Dad aan ka yareyn 41 ruux ayey xireen boolisku sida wararku tilmaamayaan, halka ay dhaawacmeen 20 kale oo loo qaaday isbitaalka, kuwaasoo ku dhaawacmay iska hor imaadiyadii dhexmaray iyaga iyo Booliska.
Dadweynaha wadankaasi ayaa ku dhaliilsan xukuumadda Giriiga, sida ay uwaajahday shirka tareenka oo la sheego iney ku dhinteen 57 qof.
Dibadbaxyadan kaliya kama dhicin caasimadda wadankaasi, balse waxay ahaayeen kuwa sida wada jir ah u abaabulan oo laga dhigay guud ahaan wadanka.