Wednesday, March 5, 2025
HomeWarka GudahaAskar Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqday Weerar lagu Qaaday Isbaaro Utiillay Sh/Hoose.

Askar Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqday Weerar lagu Qaaday Isbaaro Utiillay Sh/Hoose.

Weerarkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa lagu qaaday ciidamo katirsan kuwa Dowladda Fedaraalka oo isbaaro utiillay afaafka hore ee degaanka Shalambood oo katirsan gobolka Sh/Hoose.

Halkaasi waxaa lagu dilay 2 askari oo kamid ah kuwii isbaarada dhigtay, waxaana lagu dhaawacay mid kale, qori AK47 ahna waa laga furtay.

Askartan la weeraray ayaa dhibaatooyin kala duwan ku hayay dadka safarka ah, waxaana aad uga faraxsan dilkooda dadkii ay horay ugu xad gudbeen.

Ciidamada Dowladda Fedaraalka ayaa caadeystay dhaca shacabka, waxayna ka dhigteen isbaarooyinka, sida goobo ganacsi oo kale, iyagoo habeen iyo maalin halkaasi dadka uga dhaca, lacagaha ay sitaan iyo wixii lamid ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.