Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay weeraro ka fuliyeen, degmada Afgooye ee gobalka Sh-hoose iyo gudaha magaalada Muqdisho.
Haddaan ku horeyno gobalka Sh-hoose, waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab habeenkii xalay degmada Afgooye ka fuliyeen howlgal qorsheysan.
Howlgalkaan ayaa waxaa lagu dilay askari katirsan Sirdoonka Dowladda Fedaraalka, kaas oo horay looga furtay Mooto uu watay.
Geesta kale weerar qarax ah ayaa maanta ka dhacay mid kamid ah degmooyinka magaalada Muqdisho, kaas oo lala beegsaday askar katirsan Dowladda Fedaraalka.
Qaraxa ayaa si gaar ah kaga dhacay, bar-koontarool oo ay askarta Dowladda Fedaraalka ku leeyihiin degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.