Habeenkii xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay goballada Baay iyo Sh-hoose ka fuliyeen, weeraro ka dhan ah askarta Dowladda Fedaraalka iyo kuwa maamulka la baxay Koonfur-glabeed.
Haddaan ku horeyno gobalka Sh-hoose, weerar ayay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen isbaaro askarta Dowladda Fedaraalka ay dhigteen, tuulada Waraa-woole ee u dhaxeysa degmada Afgooye iyo deegaanka Warmaxan ee Sh-hoose.
Weerarkaan ayaa waxaa lagu dilay 1 askari oo katirsan Dowladda Fedaraalka, iyadoo lagu soo furtay 2 Mooto oo ay lahaayeen ciidanka la weeraray.
Sidoo kale ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday, xerada askarta maamulka la baxay Koonfur-galbeed ay ku leeyihiin degmada Diinsoor ee gobalka Baay.