Hogaamiyaha maamulka la baxay Jubbaland ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamay in Dowladda Fedaraalka ay ujarto waaran isaga lagu soo qabanayo.
Isagoo bixinayay wareysi dheer ayuu Axmed Madoobe oo ah hogaamiyaha maamulka la baxay Jubbaland kaga warramay arrimo dhowr ah.
Wuxuu ugu horeyntii ku tilmaamay Dowladda Federaalka iney tahay shirkad, oo aan lagu tilmaami karin dowlad Soomaali leedahay.
Wuxuu sidoo kale soo hadal qaaday dagaalladii ka dhacay qeybo kamid ah Jubbada Hoose ee lagu jebiyay ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka Jubbaland, wuxuuna asbaabaha guuldaradaas u saariyay Dowladda Federalaka.
Mar uu ka hadlayay go’aankii kasoo baxay maxkamadda gobolak Banaadir ee Dowladda Federaalka ee ahaa in Axmed Madoobe lasoo qabto, ayuu sheegay in hadiba qabasho laga hadlayo ay u dhowdahay inuu isagu soo xiro Xasan Sheekh Maxamuud.
Halkaan ka Desgso Warka Axmed Madoobe