Iyadoo lagu guda jiro xilliga jiilaalka islamarkaana goobo badan oo kamid ah Soomaaliya iyo dhulalka Soomaaliyeed ee ay xoogga ku heystaan dowladaha Kenya iyo Itoobiya, ayaa waxaa lasoo warinayaa in biyo la’aan darani ay ka jirto degmooyin badan oo ku yaalla dhulka Soomaali-galbeed ee ku hoos jira gumeysiga Itoobiya.
Illaa 55 degmo oo ku yaalla dhulka Soomaali-galbeed ee ku hoos jira gumeysiga Xabashida Itoobiya ayaa lasoo warinayaa iney ka jirto biyo la’aan saameysay dadka iyo duunyada.
Tani ayaa waxa ay saameyneysaa dad ku dhaw 1.9 Milyan oo ruux, sida uu sheegay Axmed Yaasiin oo ah Wasiirka Xafiiska Maaraynta Khataraha Musiibooyinka ee maamulka Xabashida ugu magacaaban dhulkaas.