Taliyaha Ciidamada Booliiska gobolka Banaadir ee Dowladda Federaalka ninka lagu magacaabo Mahdi, ayaa farriin hanjabaad ah u diray dhalinyarada isticmaasha baraha bulshada, ee gudbinaya wararka la xiriira dagaallada ka socda dalka ee u dhexeeya Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo ciidanka Shisheeyaha.
Sarkaalkan ayaa sheegay ineysan marnaba ogolaan doonin in war ku saabsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab xitaa hadduu yahay mid xaqiiqo ah lagu faafiyo baraha bulshada, ciddii sidaas sameeysana wuxuu ugu goodiyay iney xabsi dhigi doonaan.