Sunday, March 9, 2025
HomeAll NewsC/Salaan Guuleed: "Hogaanka Dagaalka Waxaa Gacanta ku Haya Al-Shabaab"

C/Salaan Guuleed: “Hogaanka Dagaalka Waxaa Gacanta ku Haya Al-Shabaab”

C/Salaan Guuleed oo ah taliye ku xigeenkii hore ee Hey’adda Sirdoonka Dowladda Fedaraalka ayaa waxa uu ka hadlay, horumarrada ballaaran ee ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka wado gobalka Sh-dhexe, taas oo la wareegtay dhul baaxad leh oo katirsan gobalkaas.

Waxa uu sheegay in hogaanka dagaalka ay heyso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, qalqal xoogganna uu soo wajahay Dowladda Fedaraalka iyo Shisheeyaha duullaanka ku joogo dalka.

C/Salaan Guuleed ayaa geesta kale sheegay in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay dowladnimo isku diyaarineyso, isagoo xusay in haddii madaxweynaha Dowladda Fedaraalka Xasan Sheekh uusan waxba ka badalin sida uu hadda xaalku ku socdo ay Soomaaliya ka dhici doonaan, wax lamid ah wixii dhacday Afghaanistaan.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa si weyn isku soo tarayay madaxda, siyaasiyiinta iyo xubnaha taabacsan Dowladda Fedaraalka ee qeylo dhaanta xooggan ka muujinaya, weerarada cusub ee ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka wado gobalka Sh-dhexe, taas oo la wareegtay dhul ballaaran oo kamid ah gobalkaas.

Halkaan ka Degso Warka Cabdisalaan Guuleed

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.