Dadka kunool deegaannada baadiyaha ee hoostaga magaalada Burco ee gobolka Togdheer, ayaa ka cabanaya dad si siyaado ah u ugaarsada duurjoogta halkaas kunool.
Dadkan oo degan deegaann lagu magacaabo Mijo Dhoqley oo hoostagta magaalada Burco, ayaa sheegay in deegaanka uu ka socdo ugaarsi sharci darro ah, oo saameeyay duurjoogta, kuwaasoo hadda ka cararaya deegaanka.