Wednesday, March 5, 2025
HomeWarka DibaddaCaruur ku Dhimatay Jaajar Kula Qarxay Dalka Maroco.

Caruur ku Dhimatay Jaajar Kula Qarxay Dalka Maroco.

Warbaahinta dalka Maghrib ayaa sheegtay, in tiro caruur ay ku dhinteen, dab ka kacay biyaano kamid ah guri dabaq ah oo ku yaalla magaalada Timaarah ee udhow caasimadda wadankaasi ee Ribaadh.

Dabkan ayaa ka dhashay Charger Taleefoon oo ku jiray koronto, kaasoo qarax sameeyay dabna uu ka dhashay, waxaana ku dhintay 5 caruur ah oo da’doodu udhaxeysay 3 illaa 12.

Ubadkan ayaa la sheegay iney saameyn ku yeesheen holaca iyo qiiqa ka baxayay guriga, kuwaasoo ugu dambeyn sababay iney naftooda waayaan.

Chargerada Taleefanada ayaa ah kuwo halis ah oo xattaa qof laf ahaantiisa haddii ay ku qarxaan isagoo ka agdhow waxyeello adag ugeysan kara ama naftiisa uu ku waynkaro, waxaana haboon is la iska ilaaliyo oo dadka aqoonta uleh haddii ay cillad jiro loogu yeero, iyaguna aysan fududeysan arrintaasi maadaama ay dhalankarto waxyeelladan oo kale.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.