Wararka aan ka heleyno gobalka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa ku waramaya, in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay galabta dagaal kula wareegeen deegaan katirsan gobalkaas.
Dagaalka ayaa waxaa lagu qaaday deegaanka Waniinle ee dhaca duleedka degmada Ceeldheer ee gobalka Galgaduud oo ay ku sugnaayeen ciidamada Dowladda Fedaraalka.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa si buuxda ula wareegay deegaanka iyo saldhiggii ciidan ee ay halkaasi ku lahaayeen ciidamada Dowladda Fedaraalka, kadib dagaal muddo qaatay oo ka dhacay deegaanka.
Dagaalka ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan 2 askari oo katirsan Dowladda Fedaraalka, halka lagu dhaawacay 13 kale, kuwaasoo 3 garaab tahay uuna kujiro, Maxamed Cabdullaahi Xasan oo ah taliye Urur, 5 qori oo Ak47 waa laga soo furtay.