Sunday, March 9, 2025
HomeAll NewsCiidamada Itoobiya oo Gobolka Amxaarada ku Dilay Baaderi Itoobiyaan ah iyo tiro...

Ciidamada Itoobiya oo Gobolka Amxaarada ku Dilay Baaderi Itoobiyaan ah iyo tiro kamid ah Xertiisa.

Wararka ka imaanaya gobolka Amxaarada ee uu ka socda dagaallada adag ee u dhexeeya milliteriga iyo kooxda Fano ayaa ku waramaya, in ciidamada Itoobiya ay toogasho ku dileen baaderi Itoobiyaan ah iyo qaar kamid ah ardeydiisa, xilli ay ku sugnaayeen kaniisad ay ku cibaadeysanayeen.

Baaderiga la dilay ayaa ku sugnaa kaniisadda Orthodoxka ee lagu magacaabo Tawahedo, taasoo ku taalla degmada Raya Alamata ee magaalada Waja Timuga ee gobolka Amxaarada, waxanaa toogashada ay dhacday habeenkii Khamiista, sida ay tabisay warbaahinta gobolka Amxaarada.

Ciidamada Itoobiya ayaa weerarka ay ku qaadeen kaniisadda waxay ku dileen baaderiga oo lagu magacaabo Merigeta Gebremedhin iyo 4 kamid ah ardeydiisa, halka ay sidoo kale weerarka ku dhaawacmeen ugu yaraan 5 ruux oo kamid ah adeegiyaashiisa, waxaana baaderiga la dilay ay warbaahintu ku warantay in 40 sano uu ahaa baaderi.

Sida ay ku warameen ilo wareedyo goobjoog ahaa dhacdada lagu laayay baaderiga iyo xertiisa, ciidamada Itoobiya ayaa gudaha u galay kaniisadda Tawahedo, waxaana ay rasaas ku fureen dadkaan oo xilligaas ku cibaadeysanayay gudaha kaniisadda.

Waxay intaa ku dareen dadka la hadlay warbaahinta, in xilliga weerarka uu dhacayay aaney goobta ka soconin wax dagaallo ah, oo u dhexeeyay ciidamada milliteriga Itoobiya iyo kooxda FANO oo ah malleeshiyaad maxalli ah, oo dagaal kula jira dowladda Itoobiya.

Sababta ay ciidamada Itoobiya u laayeen baaderigan iyo xertiisa ayaa dadka deegaanka qaarkood waxay tilmaameen, in baaderiga uu sameynayay dawo dhaqameed ay u isticmaalaan malleeshiyaadka Fano, iney isaga daweeyaan dhaawacyada kasoo gaara dagaallada ay kual jiraan ciidamada Itoobiya, taasi ayaana keentay in ciidanka Itoobiya ay baaderiga iyo xertiisaba si bareer ah u toogtaan.

Itoobiya ayaa waxaa ka socda dagaallo adag, oo aaney dhinacyada dagaallamaya ilaalinin dadka shacabka ah, waxaana meelaha ugu daran ee ay dagaalladu ka socdaan kamid ah gobolka Amxaarada, halkaas oo dowladda Itoobiya awoodi la’dahay iney maquuniso kooxda Fano.

Halkaan ka Degso Warka Dilka Baadariga

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.