Shalay galabkii waxaa in ka badan 20 ruux oo shacab ah oo ka baxay magaalada Gaw ee wadanka Mali lagu xasuuqay, mandiqadda Talamusi.
Dadkan oo saarnaa labo gaari kuna sii jeeday wadanka Al-Jazaa’ir, ayaa waxaa wadada ugalay askarta Mali iyo calooshood ushaqeystayaasha Fagner, waxayna gebi ahaanba laayeen 1 gaari dadkii ku safrayay, halka mid kalena ay dileen dad badan saarnaa.
Caruur iyo haween ayaa la sheegay iney ku jireen dadka ay laayeen ciidanka Mali uyo Fagner, xukuumadda dalkaasi ayaana inkirtay dhacdadan iyo iney xasuuqan iyadu geysatay.
Askarta Mali iyo malleeshiyada Fagner ayaa horay marmar kala duwan uxasuuqay dad shacab ah oo aan waxba galabsan sidan oo kale, wayna caadeysteen falalkan noocaan ah.