Habeenimadii xalay diyaarado ay leedahay Sahaayinada ayaa duqeymo dhowr ah ka fulisay goobo ku yaalla Baadiyaha Dimishiq iyo gobolka Darca ee Koonfurta Suuriya.
Duqeytan ayey wararka laga helayo halkaasi tilmaamayaan iney beegsatay saldhigyo ay taabacsan wasaaradda difaaca ee xukuumadda dhawaan laga dhisay Suuriya.
Saldhigga koobaad ee la duqeeyay ayaa la sheegay inuu ku yaallo mandiqadda Al-Kaswa ee dhacday baadiyaha Dimishiq, halka duqeyta labaadna lala beegsaday saldhig kale oo hoostaga isla wasaaradda gaashaandhigga ee xukuumadda ka jirta dalkaasi, kaasoo ku yaalla mandiqadda Tal-Al-Xaarah ee baadiyaha Galbeed ee gobolka Darca.
Dhanka kale waxay ciidamada yahuuddu gudaha ugaleen deegaano katirsan dalka Suuriya taasoo noqotay arrin ay caadeysteen una baahan in laga hortago.
Waxay wararku sheegayaan iney tageen deegaano dhowr ah oo ku yaalla gobollada Al-Quneydhira iyo Darca oo dhaca Koonfurta wadankaasi, gaar ahaan tuulada Cay Al-Beydaa oo ku taalla baadiyaha gobolka Al-Quneydhira, iyo degaano kale oo katirsan isla gobolladaasi.
Yahuuddu waa cadawga ugu daran ee Muslimiinta sidaba uu Allaah Qur’aankiisa ku sheegay, kumana jiijiheyso dulmiga iyo gumaadka ay ku hayso dadka Muslimiinta wax aan ka ahayn gumac rasaaseed.